Majalladda Itoobiyaanka ah ee The Reporter Magazine ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos-u-dhaca taageero ee ku yimid ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka gardarrada ah ka wada dalka Soomaaliya, muddada ku dhow labaatanka sano.
Warbixin ay majalladdu baahisay yay ku sheegtay in xaaladda amni ee kooxda Villa Soomaaliya uu weli yahay mid aad u nugul, haatanna ay wajahayso marxalad khatar ah kadib markii ay isku barkadeen qalalaase amni iyo kuwo siyaasadeed.
Werwerka jira ee sida kediska ah xaaladdan u sii cakiray ayaa ah 31-ka Diseembar 2026, oo ah marka uu Maraykanku sheegay inuu jarayo taageerada xafiiska UNSOS oo Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada saadka ee hawl-galka AUSSOM.
Sida ay ka dhawaajisay majalladdu, waqtigan ciriiriga ah waxa uu Itoobiya ku noqday imtixaan, waxaana walaacan oo kale qaba khubaro amni oo 3-dii Sebtember 2026 Addis Ababa kaga qaybgalay kulan looga hadlayay Khataraha Amniga Gobolka oo uu soo qaban-qaabiyey Machadka Daraasaadka Amniga (ISS).
Khubaradani waxay ka digeen sida The Reporter Magazine ay ka dhawaajisay, in haddii aan la helin qorshe cad oo lagu beddelayo taageerada sii wiiqmaysa ee hadda jirta, ay xaaladdu qasbi doonto in si lama-filaan ah uu u dhici doono bixitaan habqan ah oo aan nidaamsanayn.
"Dhibaatada kasii daran ayaa ah in is-afgaradkii siyaasadeed uu burburayo xilli qaab-dhismeedkii amnigu sii yaraanayo… waxaanay ka qaybgalayaashii kulanku ISS sheegeen in Al-Shabaab ay hadda ka hawlgasho meel qiyaastii 50 km u jirta Muqdisho” ayay tiri The Repoerter Magazine.
Qalalaasahan siyaasadeed ee ka dhex aloosan kooxaha dab-adhilifyada Soomaaliya ayay warbixintu sheegtay in uu bannaanka u soo baxay xilli kala-guurka amni ee Soomaaliya uu maraayo marxaladdiisa ugu halista badan.
Gashaw Ayferam oo ah khabiir ka tirsan Machadka Arrimaha Dibadda Itoobiya, kana faallooda arrimaha amniga Geeska Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya ay isku mar wajahayso laba caqabadood oo waaweyn oo kala ah khilaaf siyaasadeed iyo dhibaato amni oo sii xumaanaysa.
Wuxuu si gaar ah u walaac uga muujiyey nuglaanta nidaamka dhaqaale ee dul-hoganaya hawl-galka AUSSOM. Waxaanu xusay in hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ku dhow muddo labaatan sano ah uu wajahayo khatar aad u weyn, kadib go’aanka Maraykanka.
Dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda ayay warbixintu ka sanqarisay in durba ay wajahayaan culays dhaqaale oo xooggan, halka Midowga Afrika uusan awoodin inuu babac-dhigo kaalinta ay bannaynaynayo xafiiska UNSOS.
Selam Tadesse, oo ah falanqeeye iyo cilmi-baare ku takhasusay amniga Geeska Afrika kana tirsan Machadka Daraasaadka Amniga (ISS), waxay Magazine Reporter u sheegtay in dhimista maalgelintu ay ugu horreyn saamaynayso kaalinta Itoobiya ku leedahay AUSSOM.
Waxa kaloo haweenaydan Itoobiyaanadda ah ay carrabka ku adkaynaysaa in haddii Soomaaliya uu ka dhasho firaaq amni oo khatar ku ah kooxda Villa Soomaaliya, ay si weyn ugu xirnaan doonto hadba sida bixitaanka ciidamada loo maareeyo.
"Haddii aan la helin kala-guur la isku dubbariday oo si buuxda loo maalgeliyey, dedaalladii labaatanka sano lagu bixinayay dagaalka Soomaaliya waxay halis ugu jiraan in dib loo burburiyo.” ayuu ka digay Gashaw Ayferam.
FG: Fadlan kusoo biira ciwaankayaga cusub ee X/Twitter:
